2. Waa Isaga 'Alle' Kan ka soo saaray ummiyiinta [1] dega (Makkah) dhexdood, Rasuul ka mid ah, u akhriyaya Aayadahiisa, daahiriniya, barayana Kitaabka iyo Xikmadda, inkastoo horay u ahaayeen kuwo ku sugan habow cad.

5. Tusaalaha kuwaa loo xil saaray Towraad- da, markaas aan ku camal falin oo gabay qaadista 'xilkaa' [2], waa sida dameer xambaarsan kutub [3] culus (aanse waxba ka fahmin). Xumaa tusaalaha kuwa beeniya Aayadaha Alle. Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (gar diidka).

7. Ma jeclaanayaanna weligood 'dhimasho' waxay gacmahoodu horay u geysteen darteed (oo denbiyo ah). Alle waa Og yahay daalimiinta (gar ma qaatayaasha).

8. Waxaad ku dhahdaa: Geerida aad ka carartaan, way idinla kulmi, markaasaa dib la idiinku soo celin xagga (Alle) Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqda, Wuxuuna idiin sheegi (idinka jaazeyn) waxaad camal fali jirteen.

9. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Marka la isugu yeedho salaadda maalinta Jimcaha, u degedga Xusidda Alle, kana taga ganacsiga, sidaas baa idiin khayr badan, haddaad ogtihiin.

11. Mar ay arkeen ganacsi ama madaddaallo way u kala yaaceen xaggeeda, kaana tageen (Nabiyow) adigoo taagan (oo khudbo jeedin). Dheh: Waxa Alle uu heysto baa ka khayr badan madaddaallo oo (ka khayr badan) ganacsi kasta. Alle waa Kan u wanaagsan inta wax irsaaqda.

Support Quran.et
Help us keep Quran.et free and sustainable for the Ethiopian community.