surah095
وَالتِّينِ وَالزَّيْتُونِ
1. Waxaan ku dhaartay Tiinka iyo Zaytuunka [1].
وَطُورِ سِينِينَ
2. Iyo Buurta Siinaay [2].
وَهَـٰذَا الْبَلَدِ الْأَمِينِ
3. Iyo magaaladan Aaminka ah 'Makkah' [3],
لَقَدْ خَلَقْنَا الْإِنسَانَ فِي أَحْسَنِ تَقْوِيمٍ
4. Waxaan dhab ahaan u abuurnay Aadmiga qaab kan u wanaagsan.
ثُمَّ رَدَدْنَاهُ أَسْفَلَ سَافِلِينَ
5. Misna waxaan u celinnay hooseeyayaasha kan u hooseeya [4].
إِلَّا الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ فَلَهُمْ أَجْرٌ غَيْرُ مَمْنُونٍ
6. Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxay leeyihiin jar aan weligi go’ynin (Janno).
فَمَا يُكَذِّبُكَ بَعْدُ بِالدِّينِ
7. Maxaa kugu xamaabri (aadmigow) inaad beeniso arrinka is abaal marinta (Aakhiro)?
أَلَيْسَ اللَّهُ بِأَحْكَمِ الْحَاكِمِينَ
8. Sow ma aha Alle Kan u wanaagsan inta wax xukunta [5]?